969 Views

Dad gaajo iyo harraad ugu geeriyoodey Ceel Waaq

Dad gaajo iyo harraad ugu geeriyoodey Ceel Waaq
____________________________________________________________________________

Arbaco: March 16, 2022

Xaalad abaar oo ka jirta deegaanka Ceelwaaq iyo deegaanada ku hareereysan ee gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya, ayaa saameeyey dadka iyo duunyadaba.

Illaa iyo shan qof, ayaa lagu soo warramayaa iney halkaasi gaajo iyo harraad ugu dhinteen, sida ay xaqiijiyeen maamulka deegaanka.

Xoolaha ayaan heysan baad iyo biyo ay cabbaan, waxeyna ku nool yihiin cunto dadku gacanta ka siiyaan, halka maciishaddana ay cirka isku shareertay.

Ibraahim Guuleed Aadan, oo ah guddomiyaha degmada CeelWaaq, oo khadka telefoonka ugu waramey BBC-da, ayaa tilmaamey in xaaladda haatan taagan ay tahay mid faraha ka baxdey.

Saameynta abaaraha ayaan ku ekeyn deegaan oo kaliya, iyadoo ay ku baaheen deegaano Soomaaliyeed oo aad u fara badan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post