819 Views

Culimada Puntland oo ka hortimid xeerka gudniinka gabdhaha ay ansixiyeen wasiirada Puntland Daawo Muqalka

Culimada Puntland oo ka hortimid xeerka gudniinka gabdhaha  ay ansixiyeen wasiirada Puntland Daawo Muqalka
____________________________________________________________________________

June 17 2021

Qaar ka mid ah culimada Puntland ayaa ka horyimid xeerka gudniinka gabdhaha oo dhawaan ay ansixiyeen golaha wasiirada Puntland, hadana horyaalla baarlamaanka.

Culimada ayaa sheegay in xeerka mamnuucaya gudniinka gabdhaha uu yahay mid ka hor imanaya qodobka 9-aad ee dastuurka Puntland iyo sharciga Islaamka.

Wadaada ayaa baarlamaanka Puntland ugu baaqay in aysan meelmarin hindise sharciyeedkan oo ay ku tilmaameen mashruuc dana gaara laga leeyahay.

Xeerka muranka dhaliyay oo ay soo gudbisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta Puntland ayaa mamnuucaya gudniinka gabdhaha nooc walba oo yahay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post