1056 Views

Sida uu u dhacay Xukunka ay riday Maxkamadda Ciidamada?

Sida uu u dhacay Xukunka ay riday Maxkamadda Ciidamada?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 14, 2019–Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay oo Khamiis ah waxaa ay xukuno kala duwan ku riday Afar rag lagu eedeeyey inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab.

 

Maxkamadda ayaa waxaa ay xukun dil toogasho ah ku riday Shuceyb Cabdullaahi Maxamed & Saadaq Jabaar Xuseen,halka Maxamed Cismaan Axmed & Ismaaciil Maxamed Aweys lagu xukumay Xabsi daa’in.

Afartaan Dhalinyarada ah oo Maxkamadeyntooda ay soo martay heerar kala duwan ayaa waxaa loo heystaa dilal Magaalada Muqdisho loo geystay saraakiil iyo askar ka tirsaneyd Ciidamada Dowladda iyo dad kale.

 

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Afartaan ka tirsan Al-Shabaab ay ka howlgeli jireen Galbeedka Magaalada muqdisho,isaga oo ku dhawaaqay xukunka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment