1134 Views

SAWIRO:-Banaanbax ka socda Muqdisho & Mas’uuliyiin ka qeyb-galaya

SAWIRO:-Banaanbax ka socda Muqdisho & Mas’uuliyiin ka qeyb-galaya
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 02, 2020—-Fagaaraha dugsiga tababarka ee Janeraal Kaahiye waxaa haatan ka socda banaanbax uu soo qaban qaabiyey Maamulka gobolka Banaadir,kaas oo looga soo horjeedo Al-Shabaab.

 

Banaanbaxa ayaa waxaa ka qeyb galaya Maamulada kala duwan ee degmooyinka Gobolka Banaadir Haween iyo dhalinyaro u badan kuwa laga soo aruuriyey degmooyinka iyo madax kale.

 

 

 

Dadka banaanbaxa ka dhigaya fagaaraha Iskuul Bulusiya ayaa waxaa ay wataan Boorar ay ku qoran yihiin(SOO SHEEG AL-SHABAAB,ARDAYDEENA WAA MUSTAQBALKEENA IYO TURKIGA WAA WALAALAHEENA).

 

Banaanbaxa ayaa Maamulka gobolka Banaadir waxaa uu sheegay in loogu baroor diiqayo dadkii ku geeriyoodey qarixii ismiidaaminta ahaa ee 28-kii Bishii December ee sanadkii la soo dhaafay ee 2019 ka dhacay Isgoyska Ex-Koontorool Afgooye ee Muqdisho.

 

Amniga halka uu ka socdo banaanbaxa ayaa aad loo adkeeyey,waxaana baaritaano xoog leh lagu sameynayaa cid kasta oo galeysa Xarunta kana qeyb qaadaneysa banaanbaxa looga soo horjeedo Al-Shabaab.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment