1299 Views

Booliska Somalia oo ka digay banaanbaxyo ka dhaca Muqdisho

Booliska Somalia oo ka digay banaanbaxyo ka dhaca Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 18, 2019 –Iyada oo Maanta ilaa shalay guud ahaan Magalada Muqdisho ay ka jirtay hadal-heyn ku aadan in Magalada Muqdisho ay ka dhici doonaan banaanbaxyo looga soo horjeedo dowladda soomaaliya ayaa waxaa digniin kasoo saaray Booliska Soomaaliya.

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed(Ameerika) ayaa sheegay in banaanbax in la qabtaa aysan wax weyn aheyn, hayeeshee loo baahan yahay in la cadeeyo u jeedkiisa,isla markaana ogolaansho laga heysto laamaha Amniga Soomaaliya.

 

Waxda uu sheegay taliyaha in xilliyada banaanbaxyada la qabanayo ay jiraan dad burcad ah oo kusoo dhex dhuumanaya,kuwaasoo dhac u geysanaya hantida dadweynaha,waxaana uu hadalkiisa intaasi raaciyey in hadda ay hayaan dacwado uga yimid dad hantidooda la boobay, isaga oo ka digay in Muqdisho ay banaanbaxyo ka dhacaan.

 

Banaanbaxyada laga cabsi qabo inay ka dhacaan Magalada muqdisho ayaa yimid kadib markii maalin ka hor Siyaasiga Salaad Cali Jeelle uu sheegay in Siyaasiyin mucaarad ku ah dowladda oo lacag kasoo qaatay Imaaraadka ay qaban qaabinayaan in Magalada Muqdisho uu ka dhaco banaanbax looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment