63 Views

Golayaasha Soomaaliya oo ansixiyey heshiis lala galay Turkey

Golayaasha Soomaaliya oo ansixiyey heshiis lala galay Turkey
____________________________________________________________________________

MUQDISHO — Golayaasha fulinta iyo sharcidejinta ee Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey heshiis muhiim ah oo horraantii bishan Soomaaliya la gashay dawladda Turkiga.

Heshiiskan ayaa lagu magacaabaa “Heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha,” waxaana 8-dii bisha lagu saxiixay dalka Turkiga.

Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya ayaa shir ay maanta oo Arbaca ah ay yeesheen heshiiskan ku ansixiyey. Wax yar kadibna waxaa heshiiska ansixiyey xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

Telefiishanka dawladda Soomaaliya ayaa sheegay inay heshiiskaas anisixyeen 213 mudane, halka 3 mudane ay diideen.

Madaxeynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka hadlay xiriirka iyo heshiiska Turkiga, ayaa ammaanay taageerada uu Turkigu u fidiyey Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in Turkigu uu Soomaaliya ka caawiyey dhinaca arirmaha bani’aadannimada, la-dagaalanka argagixisada iyo taageerada dhinaca dhaqaalaha sida kabka miisaniyadda.

Waxa uu sheegay in badda Soomaaliya ay muddo ah la kulmaysay kalluumaysi sharc-darro ah, iyo in lagu shubo agab wasakhaysan, hase yeeshee hadda ka hor aysan helin Soomaaliya cid ka kaalmaysa.

Waxa uu sheegay in sababta Soomaaliya kaalmada u weydiisatay Turkiga aysan ahayn in Itoobiya lala dagaalamo ama lagu duulo. Ujeeddadu waxa weeye ayuu yiri, waa in na lagu kaalmeeyo baddeena sidii aan u difaaci lahayn.

“Waa heshiis difaac iyo horumarin dhaqaale oo isla socda,” ayuu yiri madaxweynaha.

“Hadafka ugu dambeeya waa inaan yeelano ciidan bad oo baddeena difaaci kara,” ayuu intaas ku daray.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, oo hadlayey kadib ansixintii heshiiskan, ayaa ku tilmaamay inuu yahay mid masiiri ah oo dhaxal gal ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in heshiiskan uu dhigayo in Turkigu ay dhisaan, tababaraan, islamarkaana qalabeeyaan ciidamada badda ee Soomaaliya.

Heshiiska ayaa sidoo kale xoojinaya wax soo saarka khayraadka badda, sida uu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu.

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaare Xamza in heshiiskan uu meesha ka saarayo wixii cabsi ah ee dhinaca argagixisada, burcad badeedda, kalluumaysiga sharcidarrada, ku shubista sunta iyo xadgudubyada iyo halista dibedda ah ee ku iman lahaaa badda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay Turkiga walaal dhab ah oo la isku hallayn karo, sida uu hadalka u dhigay.

Heshiiskan ayaa imanaya xilli xiisad ay u dhaxayso dawladaha Itoobiya iyo Soomaaliya, taasi oo ka soo bilaabatay is-afgaradkii ay bishii hore wada gaareen Itoobiya iyo Somaliland.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post