2682 Views

Imaaraadka oo Qadar ku eedeeyay in ay ka dambeyso khilaafka kala dhaxeeya Somaliya

Imaaraadka oo Qadar ku eedeeyay in ay ka dambeyso khilaafka kala dhaxeeya Somaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 29, 2018 – Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Dowladda Imaaraadka Carabta Anwar Maxamed Qarqaash ayaa ku eedeeyay Dowladda Qadar in ay gadaal ka riixeyso khilaafka dowladdiisa kala dhaxeeya Soomaaliya.

Anwar waxaa uu sheegay in dowladda Imaaraadka Carabta ay ka go’antahay ilaalinta Midnimada Soomaaliya islamarkaana khilaafka hadda taagan uusan u khalmin uu waxyeelleeyo walaalnimada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Qoraal uu soo dhigay Twitterkiisa ayuu isku weydiiyay ilaa goorta uu sii socon karo khilaadka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Dhinaca kale waxaa uu ka hadlay heshiiska DPWorld ay kula wareegtay Maamulak Dekadda Magaalada Berbera,waxaana uu ku celiyay in heshiiskaas ay saxiixday dowladda Federaalka ah ee ka horreysay midda hadda jirta islamarkaana ay marqaati ka ahaayeen dowlad Goboleedyada Soomaaliya.

Anwar ayaa yiri: “waxaan rajeeynayaa in xiriirka Wanaagsanaa iyo waaltinimada ee annaga (Imaaraadka ) iyo dowladda Soomaaliya uu noqdo mid ka weyn wax walba”.

Qoraalka Imaaraadka

 

 .

.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment