441 Views

Guddiga xalinta xiisadda Beladweyne oo gaaray Jowhar

Guddiga xalinta xiisadda Beladweyne oo gaaray Jowhar
____________________________________________________________________________


Axad: February 6, 2022

Guddiga Heer Wasiiro ah oo uu dhawaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay xalinta xiisadda ka dhex jirta maamulka Hirshabeelle iyo Shacabka Beledwayne ayaa gaaray magaalada Jowhar.

Wafdigaan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, mudane Mukhtaar Xuseen Afrax, ayna qeyb ka yihiin Wasiirada Amniga iyo Caddaalada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Xubno ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Guddiga ayaa kulamo la qaadan doono Madaxda Maamulka Hirshabeelle.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post