270 Views

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ka yeelanaya doorashada Madaxweynaha JFS

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ka yeelanaya doorashada Madaxweynaha JFS
____________________________________________________________________________


Arbaco: May 4, 2022

 Maanta oo Arbaco ah waxaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho kulamo ku yeeshaan Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Xarumaha ay ku kulmaan ee Magaalada Muqdisho ayey kulamo ku yeelan doonaan Xildhibaanada Golaha shacabka iyo kuwa Aqalka Sare ee Baarlamaanka, xili kulamadooda ay kaga arrinsan doonaan dhameystirka arrimaha doorashooyinka di gaar ah tan Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ee 10-aad.

Xildhibaanada labada gole ayaa lala wadaagay fariin ah in maanta ay kulamo leeyihiin islamarkaana ay kaga doodi doonaan doorashada Xubnaha guddiga isku dhafka ah ee labada Aqal ee qabanqaabada Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee JFS.
Sidoo kale, kadib dooda Xildhibaanada ee anjendahaas, waxaa ay go,aan ka gaari doonaan xiliga la qabanayo doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post