1134 Views

Sawiro:-RW Khayre Oo Booqday Ciidamo Lagu Tababarayo Xerada Gen. Gordan

Sawiro:-RW Khayre Oo Booqday Ciidamo Lagu Tababarayo Xerada Gen. Gordan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 12,, 2019  –-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka, Xasan Cali Khayre, ayaa Xerada Tababarka Gen. Gordan Ku booqday ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo loo diyaarinayo howl-gallo ay Al Shabaaba uga sarayaan deegaannada ay Iminka dalka Qayba Kamidah Kamaamulaan .

Ra’iisul Wasaaraha oo ciidanka ugu tegay in ku dhiiri geliyo shaqada ay qaranka u hayaan, in uu ogaado baahida qalab ee ay qabaan iyo in uu la dardaarmo ayaa u sheegay in ciidanku ay hayaan shaqada ugu muhiimsan ee dalka maadaama ay iyagu dhiiggooda dalka u hurayaan.

Ciidanka ayuu Ra’iisul Wasaaruhu u ballan qaaday in ay xuquuqdooda si joogta ah u heli doonaan, dowladduna ay si gaar ah xil isaga saartay, baahida qalab ee ay qabaanna loo dhammaystirayo si  dalka iyo diinta ay cadawga uga difaacaan.

Dowladda Soomaaliya oo ciidanka ku samaysay dib-u-habayn ballaaran ayaa wada qorsha dalka looga xoraynayo Kooxaha Al Shabaab Iyo Daacish , arrintaas oo qayb wayn ka ah halbeegyada tubta amniga iyo hannaanka ciidamada Soomaaliyeed ay ula wareegayaan mas’uuliyadda dalka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment