888 Views

Maamulka Shabeellaha Hoose oo sheegay in la qabtay Xubno Shabaab ah & hubkooda

Maamulka Shabeellaha Hoose oo sheegay in la qabtay Xubno Shabaab ah & hubkooda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Axad , Feberaayo 23, 2020 —Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa faah faahin Guud waxaa ay ka bixiyeen howlgal Saacadihii la soo dhaafay Ciidanka dowladda Soomaaliya ay ka fuliyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolkaas.

 

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa sheegay in Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB ay howlgal ka fuliyeen deegaannada,Baladul amiin, Tooratooroow, Macalinka, Buulo Bashiir, Iyo degaano kale oo hoosyimaado degmada Aawdheegle iyo degaanada Bariire, iyo Sabiid Caanoole.

 

 

 

Waxaa uu sheegay Guddoomiyaha in howlgalladaas ay ahaayeen kuwo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab,isla markaana Ciidanka DANAB ay nolosha ku qabteen Lix Xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab iyo hubkii ay wateen waa sida uu hadalka u dhigay.

 

“Howlgalkani ujeedkiisu yahay burburinta meelaha ay kudhuumaaleeysanayaan Al-shabaab ayaa waxaa sameeynaya Ciidmadda Kumaandooska Xoogga Dalka Danab,waxaana lagu burburiyey dhowr xarumaad,sidoo kalena lagu qabtey lix xbnood kuwo kalena ay ku raad joogaan ayuu yiri” Guddoomiye Najax.

 

Si kastaba howlgalkaan uu sheegay Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose in Ciidanka DANAB ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolkaas ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen Xerada Ceel Saliini,iyaga oo soo bandhigay Gaadiid iyo hub ay ku qabsadeen weerarkaas.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment