1503 Views

Mas’uuliyiinta Gobolka Bari ee Puntland oo digniin culus ka soo saaray roobab dabaylo wata

Mas’uuliyiinta Gobolka Bari ee Puntland oo  digniin culus ka soo saaray roobab dabaylo wata
____________________________________________________________________________


isniin: August 23, 2021

Mas’uuliyiinta Gobolka Bari ee Puntland, ayaa digniin culus ka soo saaray roobab dabaylo wata, oo sida saadaashu sheegtay saacadaha soo socda ku wajahan xeebaha Gobolkaas.

Qoraal ka soo baxay maamulka Gobolka Bari, ayaa lagu sheegay in 48-saac ee soo socda roobab dabaylo wataa ku soo wajahan yihiin xeebaha Gobolka Bari, sida saadaashu sheegtay.

Maamulka ayaa dadweynaha ugu baaqay, in ay isaga baxaan dhulka godan iyo togagga ku dhow xeebaha, si looga baaqsado dhibaato dadka iyo duunyada ka soo gaarta roobabkaas dabaylaha wata.

Sidoo kale, saraakiisha Booliiska iyo guddoomiyaaasha degmooyinka Gobolka Bari, ayaa amar lagu siiyay in aysan mudda 48-saac ah wax gaadiida u fasixi karin gudaha badda, si looga taxaddaro khatarta dabaylaha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post