909 Views

Wasiir Fiqi “Marka ay noqoto in qori lagu ilaaliyo kursigii sanduuqa dhalada ah uu sharciyeeyey, dadka arrintaas ka dhiidhiyana caburin iyo argagixin la isugu daro

Wasiir Fiqi “Marka ay noqoto in qori lagu ilaaliyo kursigii sanduuqa dhalada ah uu sharciyeeyey, dadka arrintaas ka dhiidhiyana caburin iyo argagixin la isugu daro
____________________________________________________________________________

April 16-4-2021

Wasiirka Amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ahna Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ayaa ku baaqay in Dagaal lala galo Villa Somaliya.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in kursiga Farmaajo keliya lagu ilaalin karo dastuurka heshiiska lagu yahay, balse aan marnaba lagu waardiyeyn kareyn qori iyo cago-jugleyn ka dhan ah dadka ka soo horjeeda tallaabada sharci darada.

“Marka ay noqoto in qori lagu ilaaliyo kursigii sanduuqa dhalada ah uu sharciyeeyey, dadka arrintaas ka dhiidhiyana caburin iyo argagixin la isugu daro, markaas waxaa la casuumay oo banaanka u soo baxaya qoryihii duugoobay ee boorka fuulay mudadii dastuurku uu dhaqangalka ahaa, wadadaasna ma ahan mid cusub oo waa mid horey loo soo tijaabiyay oo aan cawaaqibteeda la mahdin,” ayuu yiri Fiqi.

“Waana la soo tijaabiyey in qori kursi lagu ilaaliyo iyo mid Karaamada lagu ilaaliyo uu awood weyn yahay kan sharafta iyo dastuurka ilaalada u ah.”

.

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay inay dalka ka qabsoomto doorasho wada-ogol ah oo loo dhan yahay, si dalka looga bad-baadiyo qalaalase siyaasadeed iyo mid amni.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post