873 Views

Kheyre oo tacsi u diray umada Somaliyed , qoyskii iyo bahda fanka geerida naxdinta leh ee ku timid fanaanad qaran Faaduma Cali Nakruuma

Kheyre oo tacsi u diray  umada Somaliyed ,  qoyskii iyo  bahda fanka geerida naxdinta leh ee ku timid fanaanad qaran Faaduma Cali Nakruuma
____________________________________________________________________________

February 21, 2021

Inaa Lillaah Waa Innaa Ileyhi Raajicuun, waxaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskii ay ka baxday iyo bahda fanka uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid fanaanad qaran Faaduma Cali Nakruuma.

Ilaahay ha u naxariistee Faadumo Cali Nakruuma ayaa kamid aheyd gabdhihii ugu horreeyay ee ku biiray ciidanka qalabka sida ee xoogga dalka, oo ay uga sii wareegtay fannaaniintii ciidanka xoogga, kahor inta aysan noqon mid kamid ah hoboladii ugu waaweynaa ee kooxdii fanka ee Waaberi. Waxeyna sanadihii burburka kadib aad isugu howshay inay bulshada Soomaaliyeed ku guubaabiso, kuna dhiirri-geliso dib-u-dhiska dalkooda, si ay dib ugu soo ceshadaan qarannimadoodii luntay.

Waxaan weli xusuustaa talooyinkii dhaxal-galka ah ee Nakruuma iisoo jeedin jirtay, iyada oo markasta oo aan fursad isku helno inta badan igala hadli jirtay arrimo la xiriira wax u qabashada danyarta, gaar ahaanna agoontii ay ka tageen abwaaniintii iyo fanaaniintii qaranka ee geeriyooday

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post