348 Views

Nin 24 jir ah oo uu ku dhacay cudurka Ebola oo ku dhintay bartamaha Uganda kadib markii saraakiisha caafimaadka ay xaqiijiyeen in cudurka uu ka dillaacay halkaas.

Nin 24 jir ah oo uu ku dhacay cudurka Ebola oo  ku dhintay bartamaha Uganda kadib markii saraakiisha caafimaadka ay xaqiijiyeen in cudurka uu ka dillaacay halkaas.
____________________________________________________________________________

Talaado: SEPTEMBER 20, 2022

Nin 24 jir ah oo uu ku dhacay cudurka Ebola ayaa ku dhintay bartamaha Uganda kadib markii saraakiisha caafimaadka ay xaqiijiyeen in cudueka uu ka dillaacay halkaas.

Wasiirka caafimaadka ayaa weriyeyaasha u sheegay in qofka u dhintay cudurka markii hore lagu arkay astaamaha Ebola.

Ninka u geeriyooday cudurka ayaa kasoo jeeday tuulada Mubende oo qiyaastii 147km u jirta magaalada caasimadda ah ee Kampala.

Kiiskan ayaa ah mid naadir ah oo ah nooca Ebola ee laga helay sida ay xaqiijisay xarunta qaabilsan cilmi baarista feyraska, sida laga soo xigtay bayaan kasoo baxay Hay’adda Caafimaadka Adduunka.

Ha’yadda waxay sheegtay in 8 qof oo lagu arkay astaamo looga shakisan yahay cudurka haatan la daweynayo isla markaana shaqaalaha caafimaadka u dirayaan goobaha uu ka dillaacay cudurka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post