1059 Views

Laamaha Amniga Gobolka Bari oo Amar la siiyay

Laamaha Amniga Gobolka Bari oo Amar la siiyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 13 2021–Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa  fariin u diray Shacabka Gobolka Bari, isaga oo ugu baaqay in ay a Shaqeeyaan Ciidamada oo ku Jira Xaqiijinta Amniga.

Taliye Xuseen oo Warbaahinta kula hadlay Magalada Boosaaso ayaa uga digay Dhamaan Ciidanka in xilliyda aysan Shaqada ku jirin ay hub ku dhe qaataan magaalada Boosaaso, isaga oo sheegay inay tallabo ka qaadi doonan.

Waxaa uu sheegay in la guda galay Bisha Barakeysan ee Ramadaan, sidaas daraadeedna laamaha Amnga & Shacbaka looga baahan yahay inay wadashaqeyn yeeshaan oo feejignaan amni ay muujiyaan.

Hadalka Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa   waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhowr jeer dilal qorsheysan iyo weeraro toos ah ay Magaalada Boosaaso ka geysteen Al-Shabaab & Kooxda Daacish.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post