798 Views

Dowladda oo War kasoo saartay diyaaradii ku dhacday Bardaale

Dowladda oo War kasoo saartay diyaaradii ku dhacday Bardaale
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 05 2020–Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa War kasoo saartay diyaaradii ku dhacday degmada Bardaale ee Gobolka Baay,taas oo ay ku dhinteen 6 Ruux oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada we Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda ay la socoto diyaaradaasi soo dhacday,isla markaana ay ka tacsiyadeyneyso dadkii ku dhintay.

Sidoo kale Wasaaradda waxaa ay sheegtay in diyaaradda ay laheyd Shirkadda African Airways Express,isla markaana Shixnad daawo ah ay u siday degmada Bardaale ee Gobolka Baay.

Ugu dambeyn Wasaaradu waxaa ay sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay baaritaan ku sameyneyso sababta keentay inay diyaaradaasi soo dhacdo.

Marka laga soo tago Warkaan kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa Xildhibaan Cabdiraxmaan Ibbi oo kamid ah Mas’uuliyiinta Shirkadda Diyaaradaha African uu Risaala u sheegay in Diyaaradda Gantaal lagu dhuftay oo la soo riday.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment