957 Views

SAWIRO:-Farmaajo oo dhiggiisa Uganda kala hadlay la-dagaalanka Al-Shabaab

SAWIRO:-Farmaajo oo dhiggiisa Uganda kala hadlay la-dagaalanka Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho|QOL|October 05, 2021—-Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni ayaa kulan-doceed ku yeeshay magaalada Addis-ababa ee Caasimadda waddanka Itoobiya

Kulanka  ayaa uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga ammiga, dhaqaalaha iyo arrimaha Gobolka, iyaga oo xoojiyey iskaashiga dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhiggiisa Uganda uga mahad celiyay kaalinta Ciidamadiisa ka qaadanayaan howlgalka ka socda Soomaaliya ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Farmaajo oo wlei ku sugan dalka Itoobiya ayaa waxaa la filayaa in kulan doceedyo kale in uu la qaato Madaxda ka socota dalalka Afrika ee ka qeyb galay Xafladii Caleema saara Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Xafiiska \Qaranimo Online|Muqdisho

_____________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post