714 Views

Koox burcad ah oo Boosaaso lagu qabtay

Koox burcad ah oo Boosaaso lagu qabtay
____________________________________________________________________________

Qaar kamid ah Shacabka magaalada Boosaaso ayaa xalay gacanta ku dhigay nin hubaysan oo qori ku baaranayay dadka.
Shacabka ayaa cayrsaday ninkaas oo tuute ku lebbisnaa islamarkaana qorigii ka qaaday waxaana isaga iyo qorigiiisi lagu wareejiyay Booliiska.

Booliiska ayaa xabsiga u taxaabay eedaysanaha oo aan weli la xaqiijin dhinaca uu ka tirsanaa iyadoo haatan baaritaan lagu hayo.
Saraakiisha Booliiska ayaa sheegay in baaritaan kadib sharciga la hor-gayn doono ninka tuutaha iyo qoriga wax ku baaranayay ee shacabku qabteen.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post