744 Views

Wasiirka amniga oo ku tilmaamay Team-ka Agasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka Col Koofi kuwa wax qabtay Sawiro

Wasiirka amniga  oo ku tilmaamay Team-ka Agasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka Col Koofi  kuwa  wax qabtay Sawiro
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 11, 2020 – Wasiirka Amniga  XFS Xasan Xundubeey Jimcaal oo shir Guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee HSJ oo ka dhacey xarunta dhexe ee hay’adda ee Magaalada Muqdisho  maalmo ka hor  ayaa amaanay shaqada Culus ee Madaxda iyo shaqaalaha Hay’addaasi ay u qabteen Bulshada Soomaaliyeed.

Teamka Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha   oo uu  Hogaamiyo Agaasimaha   Guud    Col, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayay ku tilmaantay wasaarada amniga kuwa shaqo Culus u qabtay Qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale shaqaalaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha   oo uu  Hogaamiyo Agaasimaha   Guud    Col, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa waxaa ka muuqata shaqada Culus oo ay hayaan kuwa ka miro dhaliyay

Dhinaca kale Dowlada Soomaaliya ayaa xooga saartay sidii ay u tayayn lahayd waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo ah albaabka laga soo galo Dal kastaa, waxaana la sheegay in is badal muuqda laga dareemayo Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha .

Col, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) iyo Ku-xigeenadiisa ayaa shaqaalaha hay’adaasi waxay siiyaan Tababaro Mararka qaar Waxay Siminaaro ugu diraan shaqaalaha Dalalka Dibada ah, taasi oo muujinaysa in shaqaalaha Hay’adda ay ka dhisan yihiin aqoon ahaan Sanadihii la soo dhaafay Tan iyo markii uu Xilka qabtay Agaasime Koofi

Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo hoos tagta Wasaarada amniga Qaranka Soomaaliya, ayaa waxay u yihiin Tusaalooyinka wanaagsan maadaama ay tahay Hay’addaasi goobta laga dheehdo ama laga soo galo Dal kastaa, taasi oo muhiim u ah Qaran walbaa oo jira.

W/Q:  Wariye  Abdihakim Elmi Hassan

Email: Cabdixakiin441@hotmail.com

Tel-+254-711830393

Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post