621 Views

Kursi ka mid ah kuraasta taala Beledweyne oo doorashadiisa la qabanayo

Kursi ka mid ah kuraasta taala Beledweyne oo doorashadiisa la qabanayo
____________________________________________________________________________

Isniin: March 28, 2022

Maanta oo isniin ah ayaa lagu wadaa in Magaalada Beledweyne lagu qabto doorashada kursiga HOP#058, kaas oo ka mid ah kuraasta taala Magaaladaas.

Guddiga maamulka doorashada ayaa shalay dib u dhigay doorashada kursigaas, iyagoo aan sheegin sababta dib looga dhigay, balse warar soo baxayay ayaa jiray oo digniino amni ah.

Musharaxiinta ku tartami doono kursiga doorashadiisa la qabanayo Beledweyne ayaa kala ah; Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ahaa Agaasimihii hore ee Hay’adda NISA, En, Yoonis Maxamed Nuur, Cali Cabdullaahi Cosoble, Cabduqaadir Xuseen Coloow, Maxamuud Afdhuub Makaraan, Cabdullaahi Axmed Xuseen iyo Ubax Cali Sheegow

Dowlad Goboleedka Hir-shabeelle waxaa ku harsan doorashada kuraas dhowr ah ee deegaan doorashadoodu kale deegaan doorashooyinka Maamulkaas ee Jowhar iyo Beledweyne, iyadoo lagu wado in ugu dambeeyn 15-bisha soo socoto la soo gaba gabeeyo doorashada xildhibannadana la dhaariyo si ay wajibkood u gutaan


Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post