525 Views

Ciidamada Israa’iil oo duqeeymo ka geeystay marinka Gaza

Ciidamada Israa’iil oo duqeeymo ka geeystay marinka Gaza
____________________________________________________________________________

Sabti: July 16, 2022

Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa duqeeymo ka geeystay  subaxnimadii hore ee saakay qeybo kamid ah maga marinka Qaza, kadib markii ay shegeen inay ogaadeen in goobaha ay duqeyeen laga soo tuuray labo Gantaal.

Afhayeen u hadlay ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay duqeeyeen goob ku yaallo Qaza, oo ay ku sugnaayeen dhaq dhaqaaqa wax iska caabinta Xamaas.

Goob joogayaal ku sugan Qaza ayaa sheegay in ay maqleen jugta qaraxyo waaweyn oo ka dhacay qeybo kamid ah magaalada, kuwaasi oo aan la la sheegin waxyeelada ay geysteen.

Geesta kale, afhayeen u hadlay dhaqdhaqaaqa  wax iska caabbinta Xamaas ayaa sheegay in duqaynta ciidanka Yahuudda ay ka geeysteen marinka Gaza uu ka mid yahay dambiyada argagixisanimo ee ka dhanka ah shacabka Falastiin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post