594 Views

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo baaq u diray Madaxda Dowlad Goboleedyada .

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo  baaq  u diray  Madaxda Dowlad Goboleedyada .
____________________________________________________________________________

Talaado: August 17, 2021

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa ugu baaqay Madaxda Dowlad Goboleedyada weli harsan in ay soo dhammaystiraan Doorashada Aqalka sare.

 “Guddiga waxa uu cod dheer ugu baaqayaa Maamul Goboleedyada dhammaan in ay xil adag iska saaraan fulinta heshiisyadii horey loo gaaray oo runtii ah is-afgarad sahlaya in aan si nabdoon ku gaarno nidaam sharci ku dhisan”. ayuu yiri Mudane Maxamed Xasan Cirro.

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa soo dhaweeyay natiijada doorashada Aqalka sare ee 15-kii Agoosto ka dhacday Koonfur Galbeed, kaasi oo lagu soo doortay saddexda xubnood ee Aqalka Sare uga harsanaa Koonfur Galbeed.

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa u mahadceliyya Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed oo si buuxda u soo dhameystirtay doorashada xubnaha siddeeda ah ee Baarlamaanka Aqalka Sare.

Warbixinta Guddiga ayaa lagu sheegay in Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay noqotay Maamul Goboleedkii labaad oo soo dhammeystira doorashada xubnaha Aqalka Sare ee 2020/2021 Puntland kadib.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post