567 Views

Isimada dhaqanka ee Gobolka Bari oo ka hadlay dhacdadii Garoonka diyaaradaha ee Bosaso

Isimada dhaqanka ee Gobolka Bari oo ka hadlay dhacdadii Garoonka diyaaradaha ee Bosaso
____________________________________________________________________________

Isniin: July 11, 2022

Isimada dhaqanka ee Gobolka Bari ayaa ka hadlay dhacdii maanta ee Garoonka Bosaso looga hor istaagay inay ka soo degto Kusimaha Madaxweynaha Soomaaliya Sacdiya Salaad oo weday deeq gargaar ah.

Is hortaaga ayaa ka dhashay dagaal dhex maray ciidamada PSF oo doonayey inay soo gelbiyaan Wafdiga Dowladda Federaalka iyo Ciidmada PMPF ee ay maamulaan Imaaraadka.

Isimadda Gobalka Barri, ayaa kubaaqay Xabadjoojin deg deg ah oo ah ciidamada Puntland dhexdooda oo dagaalamaya markii 2aad tan iyo markii Siciid Deni xukunka Puntland yimi.

Sidoo kale Isimadan oo kala ahaa Boqor Burhaan Boqor Muuse, Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil, Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin & Beeldaaje Cali Beeldaaje Salaad oo warhaainta kula hadlay ayaa cambaareyey Talaabadii Puntland ay ku celisay Kusimaha Madaxweynaha Soomaaliya Sacdiya Salaad, waxayna sheegeen in ay taageersan yihiin dawladnimada Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post