744 Views

Iiraan: Caro ka dhalatay nin loo daldalay dembi uu geystay isagoo yar

Iiraan: Caro ka dhalatay nin loo daldalay dembi uu geystay isagoo yar
____________________________________________________________________________

 

Jimco 1 Jannaayo 2021

Qaramada Midoobay ayaa cambaareysay dilka ay Iiraan kula kacday nin la sheegay inuu dembi geystay markii uu 16 jir ahaa.

Xafiiska arrimaha bani’aaddannimada ayaa sheegay in Mohammad Hassan Rezaiee, oo 30 jir ahaa, shalay lagu fuliyay dil.

Amnesty International ayaa sheegtay in Rezaiee la xiray sanadkii 2007 sababo la xiriira inuu toorrey ku dilay nin. Waxay sheegtay in la xukmiyay kaddib markii lagu qasbay inuu qirto dembigaas.

Waxay ka digtay in fulinta xukunka uu meel uga dhacayo xuquuqda carruurta.

“In xukun dil ah lagu fuliyo qof carruur ahaa markii uu dembiga geysanayay waxay ka soo horjeeddaa shuruucda bani’aadannimada ee caalamiga ah, taas oo gebi ahaanba mamnuuceysa in ciqaab dil loo adeegsado dembiyada ay galaan carruurta,” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay Amnesty.

Kadib warka dilkii Rezaiee, xafiiska sarkaalka sare ee QM u qaabilsan arrimaha bani’aadannimada (OHCHR), Michelle Bachelet, ayaa soo saaray warbixin ay ku sheegtay inay “si xooggan u cambaareyneyso” falka ay ku dhaqaaqday Iiraan.

Saddex kale oo dembi galay markii ay carruur ahaayeen ayay Iiraan dil ku fulisay sanadkii tegay, sida uu sheegay xafiiska OHCHR.

Ugu yaraan 80 qof oo kale ayaa xabsiyada Iiraan ugu jira in lagu fuliyo xukun daldalaad ah.

Haweeney u hadashay xafiiska OHCHR, Ravina Shamdasani ayaa walaac ka muujisay in Iiraan ay ku dhaqaaqday fulinta xukunka xilli ay jireen baaqyo caalami ah iyo iyadoo xafiisku uu xiriir la sameeyay Iiraan.

Sida laga soo xigtay Amnesty, Rezaiee ayaa xabsi ku jiray in ka badan 12 sano. Waxay sheegtay in la xukumay kaddib markii jirdil loo geystay laguna qasbay inuu qirto.

Dilka Rezaiee ayaa imaanaya toddobaadyo kaddib markii daldalaad lagu fuliyay labo nin, arrintaas oo cambaareyn caalami ah loo soo jeediyay – mid waxaa lagu fuliyay weriye lagu eedeeyay musuqmaasuqa, halka dilka kalena lagu fuliyay nin u dhaqdhaqaaqi jiray xuquuqda dadka, iyadoo ay jireen eedeymo ah in la jirdilay laguna qasbay inuu qirto.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post