453 Views

Shiinaha oo soo saartay digniin ku socoto Guddoomiyaha Baarlamaanka Mareykanka Nancy Pelosi oo booqasho ku tageyso Taiwan.

Shiinaha oo  soo saartay digniin ku socoto Guddoomiyaha Baarlamaanka Mareykanka Nancy Pelosi oo booqasho ku tageyso Taiwan.
____________________________________________________________________________

Isniin: July 25, 2022

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa soo saartay digniin culus oo ay u direyso Guddoomiyaha Baarlamaanka Mareykanka Nancy Pelosi oo booqasha rasmi ah ku tageyso Jasiiradda Taiwan.

Bayaanka wasaaradda oo lagu daabacay Financial Times waxaa lagu sheegay Beijing iney digniin kuwi hore ka culus ay Washington u direyso.

Shiinaha wuxuu sheegay Mareykanka haddii digniinta ay u soo jeedineyso uu tixgelin waayo ay qaadeyso tallaabbo adag, inkasta oo ay sheegin tallaabbadaasi iney ku jirto mid milatari.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha Zhao Lijian wuxuu sheegay iney Washington ka doonayaan iney caddeyso mowqifkeeda ku aaddan Taiwan.

Aqalka cad ayaa ka gaabsaday inuu ka jawaabo hadalka ka soo yeeray Shiinaha.

Dowladda Taiwan waxay sheegtay mustaqbalka jasiiradda iney go’aaminayaan oo keli ah 23-ka malyan ee qof ee jasiiradaasi ku nool.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post