972 Views

Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika oo Muqdisho soo gaaray

Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika oo Muqdisho soo gaaray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 20, 2019 —Guddi sare oo ka tirsan Ururka Midowga Afrika oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee South Africa Mudane Thabo Mbeki ayaa soo gaaray Gegidda Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Caasimadda Muqdisho.

 

Garoonka Diyaaradaha ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad.

 

Guddiggaan ayaa horay u tagay Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, waxaana ay la kulmeen Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Kenya.

 

Waxaa sidoo kale ay la kulmeen Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

 

Wali dowladda Soomaaliya faahfaahin kama bixin sababta ay u yimaadeen Magaalada Muqdisho xilli ay jirto xiisad dhanka Badda ah oo ka taagan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment