288 Views

Xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg oo sheegay in saadka hubka, gaar ahaan rasaasta ay ciidamada Ukraine u isticmaalayaan dagaalka Ruushku

Xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg oo sheegay in saadka hubka, gaar ahaan rasaasta ay ciidamada Ukraine u isticmaalayaan dagaalka Ruushku
____________________________________________________________________________

Talaado: February 14, 2023

 Xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa sheegay in saadka hubka, gaar ahaan rasaasta ay ciidamada Ukraine u isticmaalayaan dagaalka Ruushku, inuu gabaabsi yahay, isla markaana ay tahay in dalalka Isbahaysigu inay kor u qaadaan wax soo saarka, si loo daboolo baahida Ukraine.

Xoghayaha NATO ayaa intaas ku daray in Ruushku uu haatan bilaabay weeraro cusub oo uu ku qaaday dhinaca bari ee dalka Ukraine, xilli lagu sii dhowaanayo sannadguuradii koowaad, ee ka soo wareegtay markii ciidamada Ruushku ay bilaabeen dagaalka Ukraine, xilligaas oo ku beegnayd, bishii February 24-keedii, ee sannadkii hore.

Stoltenberg ayaa u sheegay weriyayaasha, inay cadday in dhinaca saadka ay caqabadi ka taagan tahay, gaar ahaan, rasaasta, shidaalka iyo qaybaha kale ee qalabka dagaalka, isagoo sheegay inay tahay in saadka milateri uu gaadho Ukraine, ka hor inta aanay Ruushku la wareegin goobaha dagaalka.

Stoltenberg ayaa hadalkan sheegay, maalin ka hor shirkii sagaalaad ee ay yeeshaan, kooxda xidhiidhka difaaca ee Ukraine, oo ah madal aan rasmi ahayn oo loo yaqaano, shirweynaha Ramstein, shirkan ayaa la qorsheeyey inuu ka dhaco dalka Belgium.

Waxaa la filayaa in shirkan ay hadhayso, doodda Ukraine ee ah in la kordhiyo sahayda milateri ee la gaadhsiinayo Ukraine. Xoghayaha NATO ayaa sheegay in sidoo kale kulankan lagaga wada hadli doono, arrinta doodda keentay ee la xidhiidha, in Ukraine la siiyo diyaarado dagaal oo casri ah.

Qaybo ka mida warbixintan ayaa ka yimi AP, AFP iyo Reutes.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post