3807 Views

Ciidamada Itoobiya oo ka baxay deegaanka Halgan iyo Shabaab oo qabsaday

Ciidamada Itoobiya oo ka baxay deegaanka Halgan iyo Shabaab oo qabsaday
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 23, 2016: Ciidamada Itoobiya ayaa ka baxay deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan, halkaasoo muddo saldhig u aheyd, waxaana ciidamadan ay u baxeen dhinaca wadada aada magaalada Beledweyn.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya inay arkayeen Ciidamada Itoobiya oo ka sii baxaya saldhig ay ka degenaayeen duleedka Halgan, waxaana horay u sii raacay ciidamo Soomaali aan badneyn.

Ila iyo hadda lama oga sababaha ay uga baxeen deegaanka Halgan oo muddo sanad iyo bar ay ku sugnaayeen, waxaana maalmihii u dambeeyay ay isaga baxeen deegaano ka tirsan Hiiraan iyo Galgaduud ayaga oo dan gaar ah ka leh

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo aan sidaa uga fogeyn deegaanka Halgan ayaa markii ay isaga baxeen Cidiamada Itoobiya la wareegay deegaanka, ayaga oo waqti ka dhumin.

Ciidamada Itoobiya ayaa todobaad ka hor isaga baxay deegaanka Ceel Cali oo dhaca galbeedka Gobolka Hiiraan, sidoo kale waxaa ay horay u faarujiyeen degmada Moqokori.

June ee sanadkan ayay aheyd markii Al-Shabaab ay weerareen saldhig Ciidamada Itoobiya ku lahaayeen deegaanka Halgan, waxaana weerarkaas ka dhashay dhimasho badan oo labada dhinac ah.

Deegaanka Halgan ayaa u dhaxeysa degmooyinka Buulo Burde iyo Beledweyn, waxaana ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ay go’doonka hor leh sii gelineysa Buulo Burde oo saldhig ay ku leeyihiin Ciidamada Itoobiya. Sababta ay uga baxaeen la sheegin.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment