1992 Views

AKHRISO: Midowga Afrika oo War kasoo saaray Weerarkii ka dhacay Buulomareer

AKHRISO: Midowga Afrika oo War kasoo saaray Weerarkii ka dhacay Buulomareer
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | April 2, 2018 – Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Ciidamada AMISOM Francisco Caetano Madeira,ayaa War kasoo saaray Weerarkii cuslaa ee ka dhacay degaanka Buulomareer ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada ay si adag ula dagaalameen Al-Shabaab , islamarkaana ay ka guuleysteen kuwaa soo weeraro is xig-xigay ku qaaday degaanada  Buula-mareer,Golweyn iyo Qoryooley oo dhammaantood ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose.

War ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in marka hore  Al-Shabaab weerarkooda ay ku bilaabeen Qaraxyo,waxaana la bur buriyay labo ka mid ah gawaari ay ka soo buuxiyeen Walxa Qarxa,sidoo kale Ciidamada ayaa la wareegay nuucyo kala duwan oo hub ah oo Shabaab ay wateen sidda warka lagu sheegay.

AMISOM,ayaa sheegtay in weerarka kaga dhinteen Afar askari,halka lix kale dhaawacyo fudud ay soo gaareen,waxaana Madaxda AMISOM ay ku amaaneen Ciidamada  sidda Al-Shabaab uga hortageen una hureen naftooda.

“ Waan ku faraxsanhay Ciidamadeena geesiyada ah,kuwaasi oo aan ka daalleyn sii wadida iney ka taqalusaan Al-Shabaab si ay nabad iyo Xasilooni ugu soo celiyaan Soomaaliya,” ayuuyiri Mr. Madeira.

Warka kasoo baxay AMISOM ayaa kusoo beegmaya xilli Al-Shabaab ay sheegteen in ay dileen u dhawaad 59 Askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM ka dib Weerar ay ku qaadeen degaanka Buulo Mareer Shalay.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment