501 Views

Madaxweynaha Ruushka Putin iyo Faransiiska Macron oo Khadka taleefanka ku wada hadley

Madaxweynaha Ruushka Putin iyo Faransiiska Macron oo Khadka taleefanka ku wada hadley
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Ruushka, Vladamir Putin, iyo Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa Khadka taleefanka ku wada hadley ku dhowaad labo saacadood.

Waxaa jira faah faahino kasoo baxeysa wada hadalkooda. Xarunta Madaxtooyada Faransiiska ee Elysee, ayaa wararka kasoo baxaya waxey bidhaaminayaan in Macron ku booriyey Putin inuu soo afjaro duullaanka Ruushka ee ka dhanka ah Ukraine.

Sidoo kale, Macron ayaa ku booriyey Ruushka inuu ilaaliyo goobaha uu yaallo niyukliyeerka, ka gadaal markii uu ku habsadey gantaal, kaasoo dhaliyey in xarunta niyukliyeerka ee Zaporizhzhia dab ka kaco.

Putin ayaa u sheegay Macron, in Ruushku inaanu weerarin xarunta uu yaallo Niyukliyeerka, sida ay sheegayaan wararka laga helayo dhanka Faransiiska.

Sidoo kale, Putin wuxuu u sheegay Macron in hadafka uu tiigsanayo Ruushku uu ku gaarayo laba midkood, dagaal ama wada xaajood, sidaasi waxaa sheegay xafiiska madaxweynaha Faransiiska.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post