498 Views

Ukraine oo sheegtay in 165 caruur ah lagu dilay duulaanka Ruushka

Ukraine oo sheegtay in 165 caruur ah lagu dilay duulaanka Ruushka
____________________________________________________________________________

Talaado: April 5, 2022

Ku dhawaad 165 caruur ah ayaa lagu dilay dalka Ukraine tan iyo markii uu bilowday duulaanka Ruushka, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Interfax-Ukraine, iyadoo soo xiganeysa xafiiska xeer ilaalinta guud ee (PGO).

Waxay kaloo sheegtay in 266 carruur ah ay ku dhaawacmeen.

Tobanaan kun oo qof oo rayid ah ayaa weli ku go’adoonsan magaalada la hareereeyay ee Mariupol, iyadoo aysan jirin koronto, biyo iyo gas cunada lagu karsado.

Waxaa lagu guul dareystay dedaallo la doonayay in gurmad lagu gaarsiiyo dadkaasi iyo in sidoo kale laga soo daad gureeyo halkaasi.

Dadkii ay u suurta gashay inay ka baxsadaan magaalada, weli waxay wajahayaan dhibaatooyin badan, qaasatan carruurta.

Wixii ugu horeeyay ee ay sameeyeen ayaa ahaa inay soo iibsadaan rooti.

Ciidamada Ruushka ayaa si weyn u weeraray magaalada Mariupol. Kumanaan qof ayaa dhimatay markii ciidamadau ay hareereeyeen magaalada, iyagoo ka soo weerarayay dhan waliba, hadii ay ahaan lahayd dhinaca cirka, dhulka iyo badda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post