321 Views

WHO oo ka hadashay xaaladda gobolka Tigray ka dib heshiiskii lagu dhawaaqay

WHO oo ka hadashay xaaladda gobolka Tigray ka dib heshiiskii lagu dhawaaqay
____________________________________________________________________________

Khamiis: NOVEMBER 10, 2022

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in aysan jirin wax cunto ah ama dawo ah oo gaaray gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ka dib xabad joojintii lagu dhawaaqay todobaadkii hore.

Qaramada Midoobay ayaa ku eedaysay dowladda Itoobiya in ay macluul u adeegsatay intii uu socday dagaalka, iyada oo sheegtay in shacabka ku nool gobolkaas la go’doomiyay.

“Waxaan filayey in cunno iyo dawo ay billaabaan isla markiiba xabbad joojinta ka dib. Taasi ma dhicin.” madaxa WHO Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus.

Waxa uu sheegay in dadka ay u dhimanayaan gaajo iyo cuduro la daweyn karo.

Dr Tedros, oo ka soo jeeda Tigray, ayaa ku baaqay in dib loo soo celiyo isgaarsiinta, bangiyada iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah.

Waxa uu sheegay in dib loo soo celiyay adeegyadii Korontada iyo Isgaarsiinta ee meelaha qaar.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post