732 Views

Itoobiya oo sheegtay in dowladda aaney wada hadal la furi doonin hoggaanka TPLF.

Itoobiya oo  sheegtay in dowladda  aaney wada hadal la furi doonin hoggaanka TPLF.
____________________________________________________________________________

Talaado: August 3, 2021

Wasiirka dimuqraadiyeynta Itoobiya, Zadig Abraha, ayaa u sheegay BBC-da in dowladda Itoobiya aaney wada hadal la furi doonin hoggaanka TPLF.

Dowladda Itoobiya, ayaa sheegtay inaaney wada hadal la fureynin koox argagaxiso ah, waa sida ay hadalka u dhigeene, taasoo bilooyin u dagaalamaysay iney la wareegto xukunka gobolka Tigreega ee gobolka dalkani.

Wareysi uu siiyey toddobaadkii hore dhamaadkiisii mid kamid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka, toddobaadkii hore dhamaadkiisii, General Tsadqan Tinsay, ayaa dalbadey xabad joojin iyo in la sameeyo hannaan kala guur oo siyaasadeed.

Isagoo ka jawaabayey wareysiga BBC-da ee mid kamid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka, ayuu wasiir Zadig Abraha sheegay in dowladdiisa aaney la fadhiisaneyn hoggaamiyeyaasha TPLF, si ay ula hadasho.

Wuxuu intaa ku darey in xaaladda haatan ee waqooyiga Itoobiya aaney aheyn sida loo buun buuninayo.

Ha yeeshee, wuxuu sheegay in dowladda aaney qaadi doonin tallaabo iyo ficil ku habboon, illaa iyo inta uu ka dhamaanayo dulqaadka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post