1200 Views

Siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur oo digniin u diray Madaxda Dowladda

Siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur oo digniin u diray Madaxda Dowladda
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 20, 2019–Siyaasiga Mucaaradka ah ee Cabdiraxaman Cabdi Shakuur Warsame ayaa si kulul uga hadlay khilaafka Siyaasadeed ee soo kala dhexgalay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Siyaasiga ayaa sheegay in xiisadaas dejinteeda ay ku wanaagsan tahay in loomaro hab raac wanaagsan oo Siyaasadeed,hayeeshee aan loo marin aflagaado iyo hadalo xanaf ah oo xiisada sii xoojin kara.

Madaxda Dowladda Federaalka ayuu ugu baaqay in markii ay yimaadaan arrimaha masiiriga ayh ay wadatasho kala sameyso,Xisbiyada iyo Maamulgoboleedyada,hayeeshee dowladda uu uga digay inay go’aan kaligeed gaarto.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu sidoo kale ugu baaqay in aan dowladda cadaadis lagu saarin xiisada kala dhaxeysa Dowladda Kenya,balse wax walba wadatashi lagu sameeyo.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment