927 Views

Manchester United oo mar kale rabta Cristiano Ronaldo

Manchester United oo mar kale rabta  Cristiano Ronaldo
____________________________________________________________________________

 June 16 2021

Kooxda Manchester United ayaa waxa ay 36-jirka weerrarka uga dheela xulka waddanka Burtiqiiska Cristiano Ronaldo u bandhigtay in sanadkiiba ay siin doonto £17m haddii uu dib ugu soo laabto kooxda oo uu isaga soo tago kooxda Juventus, qorshahaas oo ay suuragal tahay in ciyaaryahanka khadka dhexe uga dheela xulka Faransiiska Paul Pogba, oo 28-jir ah, uu dhinaca kale u dhaqaaqi doono. Sikastaba xaalku ha ahaadee, Ronaldo ayaa waxa uu doorbidayaa inuu u wareego kooxda Paris St-Germain. 

Ciyaaryahanka garabka uga dheela xulka waddanka Ingiriiska Raheem Sterling, oo 26-jir ah, ayaa la filayaa in xilli ciyaareedka soo socda uu sii joogi doono kooxda Manchester City walow ciyaaryahanka lala xiriirinayay inuu kooxdaasi ku guulaysatay horyaalka Ingiriiska uu isaga tegi doono. 

Ciyaaryahanka khadka dhexe uga dheela kooxda kubadda cagta ee Manchester City Bernardo Silva ayaa waxa uu jecelyahay inuu xagaagan kooxdaasi isaga tago hasayeeshee tababare Pep Guardiola ayaa ka cagajiidaya in 26-jirka u dheela xulka Burtiqiiska oo kooxdaasi isaga tago. 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post