531 Views

Ciidamada Dowladda oo Howlgallo ka sameeyay Jubbada Hoose.

Ciidamada Dowladda oo Howlgallo ka sameeyay Jubbada Hoose.
____________________________________________________________________________

Sabti: June 25, 2022

Ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ee Danab ayaa howlgallo qorsheeysan saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyay degaano hoos taggo magaalada Kismaayo xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Intii uu socday howlgalka ayaa waxaa usuura gashay in ay gacanta ku dhigay xaruntii ugu weynayd ee kooxda Al-Shabaab ay ku kaydsanjireen Agabka kala duwan ee ay ka sameeyaan miinooyinka dhulka kuwa gawaarida iyo guryaha taa oo ku taalo deegaan lagu magacaabo Barjalaa oo qiyaastii 60-KM ujira magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Saraakiisha hogaamineeysay howlgalkaan ayaa sidoo kale sheegay in ay ku raad-joogaan xubno ka tirsan Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayna sii wadi doonaan howlgalada ceeynkani oo kale ah.

Maalmihii lasoo dhaafay Ciidamada Dowladda ayaa howlgallo kala duwan ka waday degaano hoos taggo Magaalada Kismaayo iyagoona halkaasi kusoo bandhigay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post