1347 Views

Wasaaradaha Waxbarashada DFS & Dowlad Goboleedyada oo heshiis kala saxiixday

Wasaaradaha Waxbarashada DFS & Dowlad Goboleedyada oo heshiis kala saxiixday
____________________________________________________________________________

Magaalada Garoowe waxaa maanta kusoo xirmay shir looga hadlayay tayeynta iyo daadejinta adeegga Waxbrashada Soomaaliya, si gooni ah shirku wuxuu diiradda saarayay Manhajka iyo Imtixaanka oo muhiim u ah tayeynta waxbarashada Soomaaliya.

Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Federaalka iyo kuwa dowladaha xubnaha ka ah ayaa ku heshiiyay in la mideeyo Qalfoofka imtixaanka dalka(National Curriculum Framework), waxaa sidoo kale lagu heshiiyay in la sameeyo 2 guddi qaran oo ka madaxbanaan Wasaaraddaha Waxbarashada, labadan guddi waxay kala yihiin guddiga Imtixaanka iyo midka Manhajka.

Waxaa sidoo kale lagu heshiiyay xoojinta wadashaqeynta iyadoo loo marayo dhisidda Gole ay Wasaaraduhu ku mideysan yihiin oo ilaaliya halbeegyada iyo daadejinta adeegyada waxbarashada.

Goluhu waxa uu meesha ka saari doonaa caqabadaha soo noqnoqday ee la xiriira maamulka waxbarashada Dalka, waxa uuna ka jawaabayaa shuruudaha daneeyayaasha hormarka Soomaaliya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post