885 Views

Illaa 12 qof oo lagu dilay gudaha iyo hareeraha garoonka diyaaradaha ee Kabul,

Illaa 12 qof oo  lagu dilay gudaha iyo hareeraha garoonka diyaaradaha ee Kabul,
____________________________________________________________________________


khamiis: August 19, 2021

 Illaa 12 qof ayaa lagu dilay gudaha iyo hareeraha garoonka diyaaradaha ee Kabul, tan iyo Axaddii, sida ay sheegeen madaxda Taalibaan.

Xubin sare oo ka tirsan ururka oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters, wuxuu sheegay in dhimashada ay sababtay rasaas la ridayay ama isbuurashada dadka.

Wuxuu dadka dhooban albaabada garoonka u sheegay in ay guryahooda ku noqdaan, haddii aysan haysanin warqado sax ah oo ay ku safri karaan.

Wuxuu sheegay in Taalibaan “aysan dooneynin in ay qofka ku waxyeeleyso” garoonka Kabul.

Waxaa halkaas ka jiro xaalado kacsan iyo jahwareer, iyadoo kumannaan qof ay isku deyayaan in dalka ay ka qaxaan.

Garoonka diyaarada ee Kabul wuxuu weli gacanta ugu jiraan ciidamada Mareykanka, balse daafihiisa waxaa ku hareereysan ilaali Taalibaan ah.

Dad goobjoogayaal ah waxay sheegeen in kooxda ay dadka dib u celineyso, xitaa kuwa sita waraaqaha saxda ah ayey u diidayaan in ay galaan dhismaha garoonka.

BBC

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post