708 Views

Wafdi uu hor kacayo Mahdi Guuleed oo goor dhawayd u duulay Hague Netherlands

Wafdi uu hor kacayo  Mahdi Guuleed oo goor dhawayd u duulay Hague Netherlands
____________________________________________________________________________

 8-da Marso 2021

Waxaa goor dhawayd garoonka diyaardaha ee Muqdisho ka duulay guddiga dowladda federaalka ay u xil saartay dhageysiga dacwadda badda ee Kenya iyo Soomaaliya.

Waxaana guddigan horkacayaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

Wafdigan ayaa la filayaa inay gaaraan magaalada Hague ee dalka Netherlands halkaas 15-ka bishan ay ka bilaabaneyso dhageysiga dacwadda badda.

Sidoo kale Kenya ayaa bishii hore laga diiday codsi ahaa in dib loogu dhigo dhegaysiga dacwadda, iyadoo soo bandhigtay sababo uu ka mid yahay cudurka Covid-19.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post