1155 Views

Dagaal beleed khasaare geystay oo ka dhacay gobolada Sool iyo Nugaal.

Dagaal beleed khasaare geystay oo   ka dhacay   gobolada Sool iyo Nugaal.
____________________________________________________________________________

Khamiis: july 29 2021

Dagaal beleed khasaare geystay ayaa shalay  ka dhacay deegaanka SAAX-MAYGAAG, oo u dhexeeya gobolada Sool iyo Nugaal.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka ku dhintay hal qof, waxaana ku dhaawacmay saddex kale, sida ay xaqiijiyeen Goob-joogayaal kala duwan oo la hadlay Saxaafada .

Dagaalka ayaa sida wararku sheegayaan ku salaysan xiisad ka dhalatay muran dhuleed oo muddooyinkii dambe ka aloosnayd deegaankaas.

Deegaanka lagu dagaalamay ayaa qiyaastii 50km dhanka Galbeed uga beegan magaalada Garowe, waxaana ku dagaalamay maleeshiyo beeleed ka soo kala jeeda Nugaal iyo Sool.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post