918 Views

Degmada Afgooye oo maanta la geynayo gurmad loo qorsheeyay dadka ka baracay Fatahaadda Wabiga Shabeelle.

Degmada Afgooye oo maanta la geynayo gurmad loo qorsheeyay dadka ka baracay Fatahaadda Wabiga Shabeelle.
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 21 2020–Xamsa Siciid Xamsa Wasiirka Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka XFS ayaa sheegay in gurmad deg deg la gaarsiinayo qoysaska kunool Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Wasiir Xamsa ayaa shaaciyay in ay arrintaan u bandhigeen hay’adaha samafalka si ay doorkooda ugu qaataan, maadaama qoysas badan ay ku sugan yihiin xaalad hoy la’aan ah, kadib markii fatahaadda wabiga deegaannadooda uga barakaceen.

Xaafadaha Degmada Afgooye intooda badan waa kuwo ay ka barakaceen qoysaskii degenaa, kadib markii biyaha Wabiga ka fatahay ay gaareen, waxaana go’ay waddooyinka dhexmara waana tan keentay in ay baqdin lasoo deristay awgeed guryahooda isaga tagaan.

“Si degdeg ah ayaan gurmad u geyneenaa degmada Afgooye, qoysas badan ayaa ka barakacay, fatahaadda Wabiga, Roobka da’aya iyo xaaladda nololeed ee ku heysata deegaannada ay ku sugan waa in gacan laga siiyaa, waana kala hadalnay Hay’adaha Samafalka” ayuu yir Wasiirka Gargaarka XFS.

Daadadka Roobka ka hooray ayaa sababay in Wabiga Shabeelle uu buux-dhaafiyo, Karkaarada ayuu ku jabsaday Xaafadaha iyo Tuulooyinka Degmada Afgooye ee uu maro, biyaha fatahaadda ayaa u dhaw in ay ka sare maraan guryaha qaar.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post