510 Views

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Si wayn loogu Soo Dhaweeyey Dhuusamareeb

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Si wayn loogu Soo Dhaweeyey Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Khamiis: February 10, 2022

Hoggamiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharrax Madaxweyne C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa shalay galab  gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Wasiiro, Xildhibaannada DF iyo Dowlad Goboleedka Galmudug, Saraakiil, Odoyaasha dhaqanka iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan.

“Waxaan galabta soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug. Waxaan si mug leh ugu mahadcelinayaa wasiirrada, xildhibaannada heer Federaal iyo dowlad goboleed, masuuliyiinta degmada, qaybaha kala duwan ee bulshada, saraakiisha iyo odayaasha dhaqanka ee sida miisaanka iyo milgaha leh ii soo dhoweeyey” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Hoggamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ka waramay ujeedada safarka uu ku tagay magaalada Dhuusamareeb.

“Waxaan u tartamayaa mid ka mid kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Galmudug. Waxaan rajaynayaa doorasho hufnaan iyo  daahfurnaan leh” ayuu yiri hogaamiyaha xisbiga Wadajir.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post