696 Views

mucaaradka Tanzania oo sheegay in 128 xubnood oo ka tirsan xisbigaasi la xirey

mucaaradka Tanzania oo sheegay in 128 xubnood oo ka tirsan xisbigaasi la xirey
____________________________________________________________________________

Isniin: july 19, 2021

 Xisbiga mucaaradka ee uggu weyn Tanzania, ayaa sheegay in 128 xubnood oo katirsan xisbigaasi la xirey, kadib markii booliiska ay ka hor istaageen shir ay soo qaban qaabiyeen garabka dhalinyarada ee xisbiga.

Barta Citizen, ayaa sheegtay in booliiska ay joojiyeen shirk ka dhacayey hotel ku yaalla magaalada waqooyiga ee Mwanza, iyagoo carabka ku adkeeyey in isku imaanshuhu u baahan yahay ruqsad booliis.

Si kastaba ha ahaatee, Golaha Dhalinyarada ee Chadema (Bavicha), ayaa sheegay inuu ahaa shirka mid gudaha ah, oo aaney aheyn in laga hor istaago.

Sida laga soo xigtay hoggaanka booliiska ee gobolka Mwanza, Ramadhani Ng’anzi, ayaa xaqiijiyey in 38 qof loo xirey dhacdadani.

Isu imaatinka siyaasiyiinta ayaa la mamnuucay sanadkii 2016-kii, iyadoo aan wali la fasaxin.

Madaxweyne Sami Suluhu Hassan, ayaa bishii hore sheegtay in mucaaradka u yara kaadiyaan qabashada shirarka, illaa iyo inta ay kasoo dhiseyso dhaqaalaha.

\Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post