744 Views

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibada oo tallo u soo jeediyay Madaxda ku shirsan Dhuusamareeb

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibada oo tallo u soo jeediyay Madaxda ku shirsan Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 21 2020–Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha ku sugan Dhuusamareeb laga doonaayo in ay tallada kala dhaxeyso dhammaan Wafuuda la socoto intii ay si gaar ah wax ka yar 10 qof go’aan u gaari lahaayeen.

Warbixin uu soo saaray ayuu ku sheegay in hoggaamiyeyaasha ku shirsan Dhuusamareeb laga doonaayo in ay noqdaan kuwa ay taladu ka go’do ee aanay noqon kuwa ay ka billaabato kuna dhammaato.

Waxaa uu sheegay in  Xilliga ay shirka ka maqan yihiin ma muuqdaan shirar kale oo ay joogto ula gelayaan wufuuddooda.

Warbixinta Yuusuf Garaad ayaan u qorneyd:

Waxaa fiicnaan lahayd in Hoggaamiyayaasha ku wadahadlaya Dhuusa Marreeb ay talo kala dhaxeyso wufuudda faraha badan ee la socota ee qaar khubarada yahay.

Runtii maskax, aqoon iyo waayo aragnimo ayaa ku kulantay marka la isu geeyo wufuudda la socota Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha iyo Shanta Madaxweyne Dowlad Goboleed.

Waxaa ila habboonayd in Hoggaamiyayaashu ay ahadaan meesha loola noqdo talada, haddii ay ergooyionkoodu is fahmi waayaan.

Waxaa ila habbooneyd in Hoggaamiyayaashu ay ahaadaan kuwa ay taladu ka go’do ee aanay noqon kuwa ay ka billaabato kuna dhammaato. Dhaqankaas oo can ahaa sagaashameeyadii waxaan moodayay in ay siyaasadda Soomaalidu ka kortay.

Wadahadalku wuxuu hadda ka billowday Hoggaamiyayaasha. Sida muuqatana iyaga uun ayuu ku kooban yahay.

Xilliga ay shirka ka maqan yihiin ma muuqdaan shirar kale oo ay joogto ula gelayaan wufuuddooda. Waayo waa nafleey oo waa seexdaan. Fursadda keliya oo la hasytaa waa in ay ayagu toos isu fahmaan.

Haddii ay is fahmi waayaan, ma jirto cid kale oo ay ula noqdaan maaddaama ay ka tallaabeen Wasiirrada, Xildhibaannada iyo la taliyayaasha aan lala tashan ee la faraha badan ee la socda.

Marka haddiiba ay arki karaan Hoggaamiyayaashooda, waxay ila tahay kaalinta wufuuddu in ay noqon karto mid muhiim ah.

Waa cadaadis ay Madaxdooda ku saaraan in aan dib loo dhigin wixii iyaga ku xiran ee hadda iyo halkan go’aan looga gaari karo.

Caqligu ma ahan ciddiyo oo isaga oo cusub ma soo dhalanayo usbuucyo gudahood.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post