1689 Views

Eritrea oo ergo u diraysa dalka Itoobiya

Eritrea oo ergo u diraysa dalka Itoobiya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 21, 2018 – Dowladda Eritrea ayaa ergo u diraysa dalka ay dariska yihiin ee Itoobiya si ay u billaabaan wadahadalladii lagu dhaqan galin lahaa heshiiskii nabadda ee soo afjaray colaaddii xadka ee labada dal dhexmartay.

Bishan horraanteedii ayuu xisbiga wadaaga ah ee Talada Itoobiya haya sheegay in uu si buuxda u aqbalayo go’aamadii ka soo baxay guddigii xadaynta ee 2002dii, kaas oo ahaa in Eritrea ay leedahay dhulka lagu muransan yahay.

Tobannaan kun oo ruux ayaa ku nafwaayay dagaalkii dhacay intii u dhaxaysay 1998dii ilaa 2000.

Eritrea ayaa Itoobiya ka xorawday 1993dii ka dib afti la qaaday

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment