912 Views

Wadahadalladii Nabadeed ee Afganistaan oo ka furmay Dooxa

Wadahadalladii Nabadeed ee Afganistaan oo ka furmay Dooxa
____________________________________________________________________________



Mogadisho | QOL |  September 12 2020
—Waxaa maanta magaalada Dooxa ee dalka Qadar ka furmay wadahadalladii nabadda ee u dhaxeeyay dowladda Afganistaan iyo ururka Taalibaan.

Wadahadalladaan oo lagu tilmaamay in ay yihiin kuwa taariikhi ah iyo dhabo toosan oo loo qaaday nabadgalyo buuxda oo ka hanaqaada Afganistaan.

Kulankaan ayaa furmay iyadoo ay goob joog ka yihiin Madaxa heyadda dib-u- heshiisiinta qaran ee Afganistaan Cabdalla Cabdalla, Xoghayaha arimaha dibadda Maraykanka Mike Pompeo iyo ergayga  Maraykanka u qaabilsan Afganistaan Ambassador Zalmay Khalilzad.

Dhanka kale Mike Pompeo ayaa fariin uu bartiisa tuwitterka ku soo diray ku sheegay in ay arin wanaagsan tahay in uu goob joog ka ahaado wadahadallada nabadeed oo uu ku tilmaamay kuwo muhiim ah.

“Shacbiga Aganistaan waxay xaq u leeyihiin in ay helaan dowlad nabdoon oo aan ku sugnayn xaalad dagaal, waxaan halkaan u nimid in aan taageerno  salkana u dhigno Tubta Nabadda oo lagu gaaro Mustaqbal xasiloon.”


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post