1005 Views

Faah faahin:- Rag hubeysan oo lagu diley Magalada Muqdisho

Faah faahin:- Rag hubeysan oo lagu diley Magalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  isiniin    , March 230, 2020 —Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya iyo rag hubeysanaa oo la sheegay inay burcad ahaayeen ayaa waxaa ay is rasaaseyn ku dhex-martey Gudaha suuqa Bakaaraha gaar ahaan halka loo yaqaano suuqa Khaliifa.

 

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in ragga Burcada ahaa oo ku hubeysnaa Bustoolado ay dhac u geysanayeen dadka Shacabka ah,hayeeshee Ciidamada Dowladda ay kusoo baxeen,sidaasina ay israsaaseynta ku dhex-martey.

 

 

 

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in israsaaseynta ay ku dhinteen askari ka tirsanaa Ciidamada Ammaanka laba kamid ah ragga  la sheegay inay ahaayeen burcada iyo qof kamid ah xoogsatada Suuqa,waxaana intii ay socotay israsaaseynta istaagay isku socodka dadka iyo Ganacsiga.

 

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in xaalada Suuqa Khaliifa oo ku yaalla Suuqa Bakaaraha oo ah halka ay israsaaseynta ka dhacdey ay tahay mid degan,isa markaana meydka Afarta Nin ee la diley ay qaadeen Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya.

 

Laamaha Ammaanka ee dowlada Soomaaliya weli war rasmi ah kama soo saarin dilka Afarta Nin ee hubeysneyd,kuwaas oo la sheegay inay dhac ka geysanayeen gudaha Suuqa Bakaaraha degmada Howl-Wadaag ee gobolkan Banaadir.

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment