1047 Views

Wasiirka Amniga ‘’ Qoyska Ikraan waa ay dhigan karaan bannaanbax nabadeed ‘’

Wasiirka Amniga ‘’ Qoyska Ikraan waa ay dhigan karaan bannaanbax nabadeed ‘’
____________________________________________________________________________

Muqdisho |  September 21, 2021–Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Hooyada Ikraan Tahliil Faarax oo lagu Magacaabo Qaali Guhaad.

Wasiirka iyo Hooyo Qaali ayaa waxaa ay ka wada hadleen sidii ay cadaalad ugu heli laheyd Gabadheeda oo ay dhowr jeer sheegtay inay ku tabeeyso Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka.

Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa marka hore sheegay in uu murugada la qeyb sanayo qoyska Ikraan Tahliil oo ay ka maqan tahay Gabadhooda.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in uu ka cudur saaranayo qoyska Ikraan Tahliil oo dhowr jeer la soo xiriiray si ay ula kulmaan, waxaana uu sheegay in wax walba oo ku saabsan kiiska Ikraan tahliil ay ka wada hadlayaan.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Wasiirka in qoyska Ikraan oo ay ugu horreeyso Hooyo Qaali ay ka codsadeen inay dhigaan dibadbax Nabadeed oo ay ku dalabanayaan in Cadaalad loo helo Ikraan, waxaana uu sicad u sheegay  inay u fasaxan yihiin.

Warkaan kasoo baxay Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan dad dhigayay banaanbax Cadaalad loogu raadinayay Ikraan Tahliil Rasaas lagu kala eryay agagaarka Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post