1386 Views

Dowladda Norway oo balan qaad u sameysay Dowladda Soomaaliya

Dowladda Norway oo balan qaad u sameysay Dowladda Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Abriil 26, 2019 —Wasiir dowlaha arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Axmed khayr Cabdi ayaa muqdisho kulan kula yeeshay agaasimaha guud ee dawladda Norway u qaabilsan arrimaha goballada, Ms Tine Mørch Smith.

 

Kulanka oo ahaa mid  mira dhal ah ayaa looga hadlay dar-dar-gelinta wada shaqaynta iyo horumarinta danaha labada dawladood iyada oo loo marayo Istaraatiijiyado hagaagsan.

 

Agaasimaha guud ee dawladda Norway u qaabishan arrimaha goballada ayaa sheegtay in Norway ay ka go’antahay in dawladda Soomaaliya ay ka taageerto  Qorshaha horumarinta qaranka iyo tubaha qaranka.

 

Mas’uuliyiin ka socotay xafiiska ra’iisul Wasaaraha, wasaaradaha arrimaha dibadda, maaliyadda, Batroolka iyo haweenka ayaa wasiir dowlaha arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya ku wehliyay kulanka uu la yeeshay agaasimaha guud ee dawladda Norway u qaabishan arrimaha goballada.

 

Mas’uuliyiinta shirka qayb galay ee ka socday Norway waxaa kamid ahaa safiirka Norway ee Soomaaliya Ms. Elin Bergithe Rognlie iyo xunna sare oo ka socday wasaaradda arrimaha dibadda iyo Safaaradda Norway ee Muqdisho.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment